BELEDWAYNE : Askari ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay.

Beledwayne ( Raxanreeb ) Hal qof ayaa Lagu dilay Midna waa Lagu dhawacay Xerada Daraawiishta Magaaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Nin Hubeeysan ayaa Dilka iyo dhawaca Fuliyey sida ay sheeheen dadka deegaanka waxaana intaasi kadib uu isaga baxsaday   Goobta uu dilka uu ka gaystay.

Marxuunka la dilay ayaa Sidoo kale laga qaatay qoray uu watay Sida dadka ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceen ay sheegeen.

Maamulka degmada Beledwayne ee Hiiraan wax faahfaahin ah ma uusan ka soo saarin dilka askarigan.

Xaalada goobta uu dilka ka dhacay hadda waa caadi , waxaana ku sugan ciidanka amniga maamulka magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan, ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka dilka ee caawa ka dhacay magaalada Beledwayne ee Hiiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.