Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo soo saaray amarro qofka dhinta

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo soo saaray amarro qofka dhinta

Muqdisho (Raxanreeb) Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa sheegay marka uu geeriyoodo muwaadin Soomaaliyeed shuraadaha ay ka rabto laanta danbi baarista ee loo yaqaanno CID.

”Qof walbo oo Soomaaliyeed oo jooga dunida dacalladeeda ama gudaha Soomaaliya marka uu dhinto qof ehelkaada ah maaa waajib ah oo loo baan yahay kaa saaran haddii la dilo sabab kasto haku dhintee ama ammar ilaahay asagoo gurigiisa jooga uu dhinto waxa waajib kaa saaran yahay saddex arrimood ka hor inta aadan duugin qofka geeriyooday.

  1. inaad geeyso xarunta danbi baarista ee CID, si laguu siiyo warqad aad ku geeyso Cisbitaalka si loo soo caddeeyo sababaha uu u dhintay
  2. Cisbitaalka marka uu soo caddeeyo sababta uu u dhintay qofka warqadaha kasoo baxday cisbitaalka waxaa lagu soo celinayaa laanta denbi baarista ee CID, waxaana laguugu xirayaa warqadda caddeynta dhimashada.
  3. qofka dhintay hadduu ka tegay dhaxal ama uu hanti kala dhaxeeyso Shirkadaha warqadda caddeeyn ayay u noqon.

Leave a Reply

Your email address will not be published.