Maxay ka wada hadleen Saciid Deni & Saraakiishii Itoobiyaan ahoo  Garoowe gaaray ?

Maxay ka wada hadleen Saciid Deni & Saraakiishii Itoobiyaan ahoo  Garoowe gaaray ?

Garoowe (Raxanreeb) Madaxwaynaha Maamulka Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa  magaalada Garoowe ee Puntland kula kulmay saraakiil ka socotay Dowladda Itoobiya.

Madaxwaynaha Puntaland iyo saraakiisha Itoobiya ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga iyo la dagaalanka Al- Shabaab.

Saraakiisha ka socotay Itoobiya  iyo Madaxwayne Saciid Deni ayaa sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sida ay muhiim u tahay in gacan ay ka gaystaan ciribtirka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday dowlad degaanka Soomaalida.

Booqashadan ayaa astaan u ah sida ay Addis-Ababa sare ugu sii qaadeyo faro-gelinta iyo cadaadiska ay ku hayso dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ee curdunka ah.

Madaxwaynaha Puntland ayaa si la mid ah booqasho ku tagay Adis-Ababa iyadoo Madaxwayne Xasan Sheekh u uku guda jiray hagaajinta xiriirka wadadama gobolka.

Maamulka Koonfur Galbeed ee  uu hoggaamiyo Cabdicasiis Lafta gareen  ayaa si la mid ah saraakiil  itoobyaan ah hore u tageen oo ay ka wada hadleen amniga iyo dagaalkii Al- Shabaab ay ku qaadeen Dowlad degaanka Soomaalidda.

Saraakiisha ka socotay  Itoobiya ayaa hory u tegay Baydhabo Hargeyso iyo Beledweyne, waxaana arrintaan la sheegay inay salka ku heyso weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degaano kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.