AFRICOM ‘’ Ma hubno in duqeyn aan ku dilnay dhaqaatiir AS  u afduubnaa’’

AFRICOM ‘’ Ma hubno in duqeyn aan ku dilnay dhaqaatiir AS  u afduubnaa’’

Muqdisho (Raxanreeb )- War qoraal ah oo uu saaray Taliska ciidanka Mareykanka Africa ayaa sheegay iney 15-kii bishan ay duqeyn kafuliyeen meel udhow jilib taas oo lasheegay in lagu laayay dhakhaatiir kuubaan ah oo u afduubnaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, dhinaca kooxda Al-Shabaab war kasoo baxay ayaa isna lagu sheegay in duqeyn magaalada Jilib meel udhow kadhacday lagu dilay dhakhaatiir kuubaan oo u afduubnaa Al-Shabaab duqeynta ayaana waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Dhanka kale, Taliska Africom qoraalka kasoo baxay ayaa waxa uu intaas kudarayaa iney jirto duqeyn ay kafuliyeen meel udhow Jilib ayna maqleen in duqeyntaas ay kudhinteen dhakhaatiir udhalatay dalka Kuuba, balse aysan wax cadeyn ah aysan uheynin dhimashada dhakhaatiirta kuubaanka ah.

Taliska Africom ee Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in arrintaasi ay baaritaan kusameyn doonaan, hadii ay jiraan dad rayid ah oo kudhinta duqeyntaas oo bartilmaameedkeedu ahaa Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa imaanaya   iyadoo maalmo ka hor  kooxda Al Shabaab ayaa shaaciyeen in duqeymo xaga cirka ay ku dhinteen laba dhaqaatar  oo  u dhalatay dalka Cuba .

Dhaqaatiirtan ayaa  in mudda ah waxay u afduubnayeen kooxda Al- Shaabaab iyaga oo ka soo qafaashay dalka Kenya .

Leave a Reply

Your email address will not be published.