Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta oo dalka ka tagay xilli uu socdo baaritaanka Hanti-Dhowrka

Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta oo dalka ka tagay xilli uu socdo baaritaanka Hanti-Dhowrka

MUQDISHO (Raxanreeb ) – Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdinaasir Xuseen, ayaa si qarsoodi ah dalka uga baxay xilli uu Xafiiska Hanti-Dhowraha Guud uu ku gudajiro baritaanka eedeymo musuqmaasuq oo lagu tuhmayo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda, sidaasi waxaa xaqiijiyay ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda.

Cabdinaasir ayaa markii uu ka warheley baaritaanka ay ku lug leeyihiin baarayaasha Hanti-Dhowrka oo beryahan la hadalhayey isaga dhoofay dalka. Wuxuuna hadda ku sugan yahay dalka Ingiriiska.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud oo aan la xiriirnay ayaase ka gaabsaday in faahfaahin ay naga siiyaan baaritaanka socda. Dhanka kele, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa isaguna diiday inuu ka faaloodo arrintan.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in waxyaabaha la tuhunsan yahay ay ka mid tahay lacago malaayiin doolar ah oo maqan oo ay ka mid yihiin lacagta diiwaangelinta (registration fees) oo la xaqiijiyay in boonooyin (receipt voucher) u gooni ah ay sameysatay Wasaaradda Warfaafinta taasoo aysan ka warqabin Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale qaada lacag lagu tilmaamay fasaxa ogolaanshaha saxafiyiinta ajnabiga ee dalka yimaada taasoo u dhexeysa $200 illaa $300 qofkii. Lacagtan ayaanan ku dhicin qasnadda dowladda.

“Eedeymaha kale ee soo baxaya ayaa ah kuwo ay gudbiyeen shaqaale hore iyo kuwo hadda ka shaqeeya Wasaaradda Warfaafinta oo sheegaya in kala bar lacagta miisaaniyadda ee wasaaradda aysan ku bixin shaqada wasaaradda oo ay kala goostaan madaxda sare oo uu ku jiro Agaasime Cabdinaasir Xuseen,” ayuu yiri mid ka mid ah hawlwadeennada Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Warfaafinta oo naga codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Dhanka kale, Agaasimihii hore ee Telefishanka Dowladda (SNTV) Faarax Dharaar ayaa sheegay inay jiraan khaladaad waaweyn oo u baahan in la saxo oo aafeeyay shaqada Wasaaradda Warfaafinta. “Tusaale ahaan, lacag tiro badan ayaa sannad kasta loo qoondeeyaa kirada satelite-ka SNTV oo labo barood leh oo kala ah SNTV iyo SNTV2. Lacagtaasi waxaa qaata shakhsiyaadka sare,” ayuu sii raaciyay Faarax.

Xogta aan ka heleyno madaxtooyada ayaa sidoo kale muujineysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku adkeeyay Hanti-Dhowraha in saraakiil kale oo hor leh lasoo xiro kuwaasoo loo heysto tuhun musuqmaasuq iyo xatooyo.

Jimicihii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay masjidka Madaxtooyada wuxuu carrabka ku dhuftay inay jiraan dad xiran iyo kuwo hadda lasoo xiri doono eedeymo musuq dartood, isagoo sheegay in dadkaasi aysan dalka ka cararin “haddii aysan tuugo ahayn”, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aadan wax dhicin maxkamadda ayaa ku caddeyneysa, waxba cararin,” ayuu yiri Madaxweynaha

Leave a Reply

Your email address will not be published.