Madaale & Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la yeeshay ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar

Madaale & Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan la yeeshay ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar kaas oo ay ku wehliyeen Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Madaxda oo khudbad u jeediyay Ciidamadaan ayaa ku amaanay sidii ay u fashiliyeen weerar lagu soo qaaday, bilowga sanadkaan, kaas oo qasaare isugu dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerar lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Muddooyinkii u dambeeyay amniga Caasimadda ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, iyada oo lagu arkayay waddooyinka Muqdisho ciimado gaar ah oo wata dhar qaas ay baartaanno ka sameenayaan qaar ka mid ah gaadiidka isticmaalaha waddooyinka Magaalada.