Al- Shabaab oo 13 sanno ka dib laga saaray Booco oo Hiiraan ka tirsan.

Beledwayne (Raxanreeb ) Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM u jira magaalada Baladweyn.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa RBC u sheegay in iska hor imaad laba dhinac a uu ku dhaxmaray ciidanka Galmudug iyo kuwa Al- Shabaab.
Lama oga khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray , waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub kala duwan sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Xaalada deegaanada dagaalada ay ka dhaceen ayaa xilligan lagu soo waramayaa in ay degan tahay oo goobtuna ay ku sugan yihiin ciidanka maamulka Galmudug oo gacan ka helaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Deegaanka Booco Al- Shabaab waxay u ahayd fariisin aad ugu muhiimsan waxayna ka talinayeen ku dhawaad 13-sanno.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa iska hor imaadyo ku dhaxmaray deegaano badan oo ka tirsan gobolada Dhexe ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.