Al- Shabaab oo laga saaray Deegaanka Fiidiow ee Sh. Dhexe

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidanka maamulka Hirshabeelle oo gacan ka helaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in deegaanka Fiidow ay ka saareen kooxda Al – Shabaab.

Afhayeen u hadlay maamulka Hirshaeelle ayaa sheegay in ciidanka maamulka iyo kuwa Al- Shabaab dhar ma ay isaga hor yimaadeen degaanka Fiidow ee Shabeellaha Dhexe.

” Ciidanka Xoogga dalka, Ciidanka Hirshabeelle iyo ciidamada deegaanka oo is kaashanaya ayaa argagixisada arxanka daran ee alshabaab xalay ka xureeyay deegaanka Fiidow ” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Hirshabeelle.

Dhanka Al- Shabaab ma jiro wax war ah oo ka soo baxay , ee la xiriira dagaalka ka dhacay deegaanka Fiidow oo in mudda ah ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab.

Ilo madax banaan oo ku sugan degaanka Fiidow ayaa sheegay in labada dhinac khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo kala gaaray xaaladuna hadda ay tahay mid degan.

Xaalada degaanka Fiidow ee lagala wareegay Al- Shabaab ayaa degan , waxaana dadka deeganku ay sheegeen in xili kasta ay wax isbedeli karaan maadama marar badan halkaas isu bedbedeshay gacanta Dowladda iyo Al- Shabaab.

Meelo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa marar badan isaga hor yimid kooxda Al- Shabaab iyo ciidanka Dowladda oo garabsanaya kuwa maamulka Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.