Shabaab oo Muqdisho ka gaystay weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq.

Shabaab oo Muqdisho ka gaystay weerar ku dhufo oo  ka dhaqaaq.

Muqdisho (Raxanreeb ) Xubno ka tirsan Al- Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Al- Shabaab ayaa weerarkani waxa ay ka gaysteen halka lagu magacaabo Cali agoon oo fariisin u ah Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarkan ay ku dhimatay haweenay caano ku iibinayso meel aan sidaas uga fogayn halka weerarkan uu ka dhacay , lama sheegin khasaare kale oo uu gaystay weerarkan oo gaaray labada dhinac.

Saraakiisha amniga ee Dowladda Federaalka ama maamulka degmada Huriwaa wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin weerarkan Al- Shabaab ay ku qaadeen fariimaha ciidan ee ku yaalla degmada Huriwaa.

Inta badan habeenada qaar ayaa la weeraraa fariisimaha ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmooyinka, Hiliwaa, Yaaqshiid & Deeyniile ee gobolka Banaadir.

Inta badan weeraradan ka dhacaya meelo ka mid ah – magaalada Muqdishp waxaa mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kala soo horjeeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.