Qoorqoor ”Haka qayb galaan maamulada dagaalka lagula jiro Al- Shabaab”

Qoorqoor ”Haka qayb galaan maamulada dagaalka lagula jiro Al- Shabaab”

Dhuusamareeb(Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ku dhiiragaliyay maamul goboleedyada in ay ka qayb – galaan dagaalka ka dhabka ah Al- Shabaab.

Madaxwayne Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in ay muuqanayso in meesha ay ka baxaan Al- Shabaab ka dib dagaal u sheegay inuu kaga soo furmay meelo badan oo dalka ah.

” Marnaba ma wada noolaan karaan Al- Shabaab iyo dad shacab ah , sidaas darteeda waa waajib in qof kasta uu ka qayb galo dagaalka aan kula jirno Al- Shabaab ” ayuu yiri Madaxwaynaha maamulka Galmudug.

Wuxuu ugu baaqay Maamulada kale ee kajira dalka inay dhankooda ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay in haddii xoog midaysan la helo laga adkaan karo kooxda.

”Keliya waxa ay u baahan yihiin Al- Shabaab in si midaysan loo wajaho maamulada kale waa in ay ka qayb galaan dagaalka ” ayuu yiri Madaxwaynaha maamulka Galmudug.

Qoorqoor ayaa sheegay in Al-Shabaab dhibaato ay ku hayaan Shacabka kunool degaannada Galmudug, isla markaana ay bilaabeen ina dadka rayidka ah dilaan, Ceelasha Biyaha Aasan, sidoo kalena ay Isgaarsiinta ka jaraan.

Hadalkan ayaa Madaxwaynaha Galmudug ka sheegay mar uu booqasho ku tagay degaano ka tirsan Galmudug oo maalmo ka hor weerar ay ka gaysteen Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.