Garissa (Raxanreeb ) Inta la xaqiijiyay sideed askari oo Kenya ah ayaa ku geeriyooday weerar ka dhacay gudaha dalkaas oo ay gaysteen xubno ka tirsan Kooxda Al- Shabaab.
Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay magaalada Garissa ee Waqooyi Bari Kenya , halkaas oo ay Al-Shabaab ka geystaan inta badan weeraro ka dhan ah Ciidamada Kenya.
Gaari ciidan ayaa lagu xiray qaraxan ay ku dhinteen askarta Kenya kuwaas oo xilligaas ku jiray howlgal ay ku doonayeen in amniga ay ku xaqiijiyaan.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya ayaa sheegay in dhimashada askarta ka sakow ay jiraan ciidamo ku dhaawacmay weerarkan .
Qaraxan ayaa yimid maalmo un kadib markii Itoobiya ay sheegtay inay fashilisay weerar ismiidaamin ah oo kooxdaasi ay ka fuliyeen magaalada xadka ku taal ee Doollo.
Kenya ayaa markii ugu horeysay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, waxaana ay hadda qeyb weyn ka tahay howlgalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay qaadi doonto talaabo kasta ay ku xaqiijinayso amniga gudaha , isla markaana heegan ay galiyeen ciidamo si gaar ah ula dagaalama Al- Shabaab.
Leave a Reply