Amb. Saalim ”Si xun ayaa la ila dhaqmay waana ka tagay safiirnimada”

Amb. Saalim ”Si xun ayaa la ila dhaqmay waana ka tagay safiirnimada”

Jidah (Raxanreeb) Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amb Saalim Macow Xaaji ayaa iska casilay xilkaasi, kaddib markii laga reebay ka qeyb galka Shirkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Jeddah.

Amb. Saalim ayaa ku eedeeyay Madaxa hab maamuuska Madaxweynaha inay si xun ula dhaqantay, ayna u geysayay aflagaado.

Safiirka ayaa ka cawday in loola dhaqmay, si ka baxsan anshaxa-Dawladnimada, oo ay geysatay Madaxa Protokoolka Madaxweynaha iyo isla xaafiiska Madaxweynaha.

Kaarkii Safiirka ayaa lasiiyey gabadha Madaxweynaha, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kamadax banaan dhinacyadan.

Safiirka ayaa sheegay in si baal-marsan curfiga diplumaasiyadda caalamka looga reebay in uu ka qeybgalo shirkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga..

Waxa uu sheegay inuu arrintaasi la socodsiiyey wasiirka arrimaha dibadda, balse wasiir Abshir Cumar Huruse uu ka gaabsadey inuu arrintaasi faragelin ku sameeyo. 

Arrimaha uu safiirka sheegay waxaa sidoo kale mid ah inuu yiri “in leyga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.” Ayuu yiri Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay

Leave a Reply

Your email address will not be published.