Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amb Saalim Macow Xaaji ayaa iska casilay xilkaasi, kaddib markii laga reebay ka qeyb galka Shirkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Jeddah.
Amb. Saalim ayaa ku eedeeyay Madaxa hab maamuuska Madaxweynaha inay si xun ula dhaqantay, ayna u geysayay aflagaado.
Safiirka ayaa ka cawday in loola dhaqmay, si ka baxsan anshaxa-Dawladnimada, oo ay geysatay Madaxa Protokoolka Madaxweynaha iyo isla xaafiiska Madaxweynaha.
Kaarkii Safiirka ayaa lasiiyey gabadha Madaxweynaha, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kamadax banaan dhinacyadan.
Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Macllim Fiqi ayaa maanta muqdisho daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya.
Kulanka waxana ka qeyb galayaan 19 Maayir oo ka kala socda gobollada dalka ayaa lagu soo badhigi doonaa horumarka, caqbadaha iyo arrimo kale, waxaana khudbooyin kookooban ka jiiyey mas’uuliyiin kale duwan.
Madashaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta, inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ku aadan hormarinta magaalooyinka dalka.
Guddoomiyayasha degmooyinka ee kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay madasha.
Leave a Reply