Nairobi (Raxanreeb )- Musuqa hargaha goystay ee ka jira wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sabab u noqday in dad badan oo Soomaaliyeed ay waayeen adeegyadii ay xaqa u lahaayeen.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty ayay ku sheegtay in dhimashada caruur badan oo Soomaaliya ku nool sabab ay u tahay musuq maasuqa dowladda ka dhax jira.
“Waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay wajaheyso caqabado amni iyo kuwo dowladnimo. Laakin Kharashaadka Ciidamada oo hadda ah 24% Miisaaniyadda, waa in aysan Soomaaliya ka hor istaagin in ay la jaan-qaado siyaasaddeeda caafimaad iyo baahideeda iyo qoondaynta miisaaniyadeed ee ku habboon ‘’ ayay tiri Amnesty .
Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in xarumaha caafimaadka ee dowladda oo aan qalabeysnayn, heerarka tallaalka oo hooseeya, iyo cudurrada ka dhasha biyaha ee soo noqnoqda.
Sida ay sheegtay hay’adda daah-furnaanta adduunka ee Transparency International, musuqmaasuqa ayaa saameyn weyn ku yeeshay waaxda caafimaadka Soomaaliya.
Amnesty waxay ku boorisay dowladda Soomaaliya in 15% laga dhigo miisaaniyadda loogu talo galay caafimaadka, iyo in la hubiyo in musuqmaasuqu aanu wiiqin horumarka dalka ee dib u habeynta caafimaadka.
Leave a Reply