Geneva (Raxanreeb ) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya ayaa dib u noqashadiisa ka dib waxa uu faahfaahin ka bixiyay xaalada guud ee ka jirta Soomaaliya iyo sida ay tahay in loogu gudbo caqabadaha jira.
António Guterres ayaa sheegay in Soomaaliya xilligan ay wajahayso caqabado badan oo haddii aan wax laga qaban xargaha furan doonto , wuxuuna beesha caalamka ugu yeeray garab istaaga dadka Soomaaliyeed
“Mudada lixda sano ah tan iyo booqashadeydii ugu dambeysay, waxaan soo aragnay horumar laga gaaray nabadda, amniga iyo horumarka waara. Wadahadalladii aan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha dowladda, waxaan kaga wada hadalnay sidii nidaamka Qaramada Midoobay uu u sii wadi karo in uu Soomaaliya ka taageero xoojinta horumarkan togan,” ayuu yiri Md. Guterres.
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Xoghayaha Guud wuxuu sidoo kale la kulmay wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka Soomaaliya ee ka shaqeeya arrimaha haweenka iyo awoodsiinta, isbeddelka cimilada, dadka naafada ah, dhalinyarada iyo kooxaha la heybsooco.
Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ku sheegay war uu soo saaray in Soomaaliya sanadaha soo socda ay gaari doonto horumar , isla markaana dib lugaheedu ugu istaagi doonto , taas oo uu yiri waxa ay ku imaan kartaa sida loo sii ambaqaado Geedi socodka Nabadda.
Booqashada labada maalmood ah ee madaxa Qaramada Midoobay ku yimid Soomaaliya waxa ay qayb ka ahayd dhaqankiisa sanadlaha ah ee booqashooyinka garab-istaagga ah ee uu ku tago dalalka Muslimiinta inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Leave a Reply