Hargaysa (Raxanreeb ) Hadalo dhaliyay dhiilo ayay baraha bulshada isku dhaafsadeen masuuliyiin ka kala socda Somaliland iyo Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya taas oo hadal hayn badana ay ka dhalatay.
Hadalada ay is waydaarsadeen Danjiraha Soomaaliya ee China ka dhashay ka dib markii wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ay sheegtay China ay wado duulaan ka dhan ah Taiwan oo la xiriira qadiyada Somaliland.
Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland war ay ku daabacday bogeeda Twitterka ayay ku sheegtay inSomaliland garab taagan tahay shacabka iyo Taiwan oo ah jasiirad yar oo ku ag taalla shiinaha.
Danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho oo ka jawaabaya arrintaas ayaa sheegay in Somaliland ay iska xar xariiqatay soohdin iyo xad aan jirin.
Isaga oo hadalkiisa sii raaciyey ” Dadka garaadka lihi guryaha dhexdooda xuduudo kama samaystaan”
Somaliland iyo Taiwan oo xiriir diplomaasi leh ayaa labadaba ka siman inay sheegtaan iney ka go’een dalalkii ay ka tirsanaayeen, isla markaana yihiin dowlado madax banana
Ma jirto dal aqoonsatay labaduba waa Somaliland iyo Taiwan kuwaas oo isu muujinaya garab istaag , raadinaya sidii ay u heli lahayeen aqoonsi si ay u noqdaan dal madax banana oo caalamka wax la qaybsada.
Leave a Reply