Arimahan dartood ma dhaqaaqi karaan wada- hadalada Soomaaliya & Somaliland

Arimahan dartood ma dhaqaaqi karaan wada- hadalada Soomaaliya & Somaliland

Muqdisho (Raxanreeb )  Waxaa la filayaa in ay dib u bilowdaan wada- hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland  ka dib markii dhawaan  Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay ergay wada- hadaladaas qaabilsan.

Ergaygaas oo ah Cabdikariim Xuseen Guuleed aadna ay isugu dhaw yihiin Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa bilaabay  durbadiiba , shirar gooni gooni  ah oo uu la qaadanayo masuuliyiin & qaybaha bulshada  .

Waxa ay salka ku hayaan shirarkan sii ambaqaadida wada-  hadaladii  hakadka galay ee u dhaxeeyay  Dowladda  Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay inaan la qaban karin xiligan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya sababo jira awgood

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wada-hadallada labada dhinac aysan dhici karin xiligan sababo laba arrin oo kala ah; dagaalka ay ku jirto dowladda federaalka iyo doorashooyinka Somaliland ku soo wajahan.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa kol  hore waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo ergayga wada- hadalada Dowladda Soomaaliya  Federaalka Soomaaliya u saartay arimaha Somaliland si natiijo looga gaaro wada- hadaladii socday.

Somalinad ayaa ku doodaysa in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’day , waxa laga hadlayo ay yihiin keliya sidii wax loo wada qabsan lahaaa hase ahaatee midow jiri doonin halka Dowladda Soomaaliya ay doonayso in meesha ay ka saarto dooda Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.