ARRIMAHA BULSHADA : Wax soo  saarkii beeraha oo gabaabsi ah.

ARRIMAHA BULSHADA : Wax soo  saarkii beeraha oo gabaabsi ah.

Muqdisho (Raxanreeb) Waxaa gaabis ah wax soo saarkii beeraha xilligan fatahaadihii dhowaan ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed darteed.

Beeralayda  deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saamayn ba’an ay ka soo gaartay daadkii roobka watay ee ka da’ay gobolada Baay iyo Bakool.

Keliya ma ah halka dhibaatadu ka taagan tahay Koonfur Galbeed waxa sidoo kale dhibaatooyinka  oo kale laga soo sheegayaa gobolada Jubooyinka oo roob xoogan uu ka da’ay.

Dhul beereed aad u balaaran ayaa saamayn waxa ay ka soo gaartay daad xoogan oo ku dhuftay gobolada beerashada  ku wanaagsanaa kuwaas oo dadkooda qaylo dhaan ay ka soo yeerayso.

Qoysas  badan oo noloshooda ku tiirsanayeen wax  soo saarka ayaa ku sugan duleedyada magaalooyinka  waa wayn ee dalka  kuwaas oo ka walaacsan sida hadda noloshooda ay tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.