Askar DANAB ah oo ku geeriyooday shil-diyaaradeed

Afgooye (Raxanreeb ) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shir diyaaradeed oo ciidamo ka tirsan Dowladda ku galay gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu waramay shilkan ayaa yimid, kadib markii ay diyaraad Helicopter ah la dhacday ciidamo ka tirsan DANAB, xili ay ku guda jireen tababar ciidan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka DANAB ayaa sheegay in shilka diyaaradeed ay ku dhinteen afar askari halka  tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka waxyeelada soo gaartay waxa ku jira nin u dhashay Uganda iyo nin kale oo cadaan ahaa kaas oo Pilot ka ahaa  diyaaradda,  shilka gashay.

Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijinayaa in loo soo qaaday ciidanka dhaawac ah ee shilka diyaaradeed ku galay  meel u dhaw Xerada Bilidoogle ee Shabeellaha Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Illaa iyo hadda  wax war ah kama aysan soo saarin shilka diyaaradeed oo ay ku geeriyoodeen ciidamo ka tirsan DANAB oo gacanta uu ku hayo Mareykanka.

Xerada Ballidoogle  waxaa si gaar ah loogu tababara ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qalab iyo taageero ka hela Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.