Ciidamada DF oo qabsaday deegaano katirsan Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureenta degaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Degaano katirsan gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay korneel Maxamuud Nuur Masdile oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa Ciidamada ka sameeyeen degaannada kala ah,, jilable,waraxley, qurax madoobe iyo degaanka usley oo dhammaantood ka tirsan Goolka Shabeellaha Dhexe.

Korneyl Masdile ayaa sheegay in ay howlgalka Ciidanka ku burburiyeen dhammaan fariisimaha Al-shabaab ku lahayeen degaanadaasi, isla markaana gacanta kusoo dhigeen Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha.

Sidoo kale Korneyl Masdile waxaa uu sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.