Dhuusmareeb (Raxanreeb ) – Magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud maanta oo Arbaca ah waxaa ka bilowday maxkamadaynta askar la sheegay in ay dileen taliyahooda.
Askartan oo wajahaya eedeyn ku saabsan in ay ka so baxeen farumaha dagaal iyo dilka taliyahooda oo ku dhintay rasaas ay fureen ayaa tira ahaa waxay gaaraan ilaa sagaal askari.
Su’aalo dhawr ah oo ku saabsan dilka Taliyahooda ayaa lagu waydiiyay maxkamada horteeda ee Dhuusmareeb iyo sababta keentay in ay ka soo baxaan aaga dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.
Askartan oo dhammaantood kasoo muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale loo haystaa inay xilliga ay baxsanayeen ay dileen Laba Xidigle Mustaf Nuur Suudi.
Xeer ilaalinta ayaa 9 askari kusoo eedeysay baxsasho goobta dagaalka iyo inay lasoo tageen hubkii lagu difaacayay shacabka deegaanka, halka 2 kamid ah askartan si gaar ah loogu aoo eedeeyay inay dileen taliyaha.
Qareennada difaacaya Askarta Maxkamadda lasoo taagay ayaa sheegay in aanay jirin qodob culus oo qabanaya mar haddii wax ka yar 24 saac ay ka maqnaayeen furinta ama goobtii ay ku qornaayeen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in go’aanka dib laga soosaari doonno maxkamaddana ay dhagaysatay marqaatiyaal, eedda xafiiska Xeer Ilaalinta & difaaca Qareennada.
Leave a Reply