Kampala (Raxareeb ) Warbahinta dalka Uganda ayaa qortay in askarigii dhawaan , Wasiirka shaqada , Shaqaalaha & Warshadaha toogtay in muudo sanad ah ka howlgalayay Soomaaliya isagoo ka mid ahaa howlgalka AMISOM , ka hor inta aan ATMIS loo bedelin
Toogashada Wasiirka ayaa Talaadii todobaadkii hore ka dhacday guriga wasiirka oo ku yaala deegaanka Kyanja ee duleedka Kampala, taas oo salka ku haysay bixin la’aanta xuquuqda Askariga toogtay Wasiirka
Col Deo Akiiki, ku xigeenka afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in Sabiiti oo ka soo jeeda tuulada Mubali ee degmada Kabarole la geeyay Soomaaliya intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021 isagoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika.
Sida saraakiisha Uganda ay sheegeen askariga oo lagu magacaabo Sabiti uu haystay darajada ugu hoosaysa ee milatariga balse markii dambe ayaa madaxdiisa u dalacsiisay in tababar dheeraad ah u helo.
Markii uu koorsada dhameystay bishii February ee sanadkan, waxa uu ku laabtay Guutada Ilaalada ee Bombo ee Uganda ka hor inta aan ilaalo u noqon wasiirkii uu toogtay.
Ku xigeenka Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Akiiki ayaa sheegay in ay jirto baahi loo qabo baaritaanno caafimaad oo maskaxeed oo badan oo askarta ah si looga fogaado dhacdooyinka la midka ah mustaqbalka.
Meydka Sabiti ayaa hadda yaalla Bombo, iyadoo aan weli la shaacin qabanqaabada aaskiisa.
Leave a Reply