HIIRAAN : Al-Shabaab oo laga go’doominayo in ay gaarto sahayda

HIIRAAN : Al-Shabaab oo laga go’doominayo in ay gaarto sahayda

Beledwayne (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka  Hiiraan ayaa sheegay in talaabo laga qaadid – doono shaqsiyaad raashiinka u gudbinaya deegaanada Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa ku amray gaadiidleyda ka baxa Beledweyn iyo Buulo-burde in aysan aadi jarin dhanka deegaanadaas oo dhaca jiinka wabiga Shabelle.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in aan ogolaan doonin in sahayda ay u gudubto deegaanada Al- Shabaab ee gobolka Hiiraan.

“Ciidamada waxay amar ku qabaan iney si buuxdo ula wareegaan gaarigii ay qabtaan isagoo u raran deegaanada shabaab ku sugan yihiin ee ku yaala hareraha jiinka wabiga Shabeelle ‘’ ayuu yiri Guddoomiye Cali Jayte.

Go’aankan ayaa saameyn weyn ku yeelan karo haddii uu hirgalo xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ku sugan jiinga wabiga Shabelle ee duleedka Beledweyne.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay  Al- Shabaab kaga saaraan deegaano badan oo gobolka Hiiraan

Leave a Reply

Your email address will not be published.