Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo arbaca ah waxa xarunta Golaha shacabka ka dhacaya kulanka xildhibaanada Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta iuu jiro kulanka Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in Golaha shacabka ay ka doodi doonaan qodobo...
Author: Hanad Ali Guled (Hanad Ali Guled)
Xeer ilaalinta oo difaacday in markale la soo xiro Abdalla Muumin
Muqdisho (Raxanreeb ) Xafiiska Xeer-ilaalinta Soomaaliya oo qoraal kasoo saarey kiiska Cabdalla Axmed Muumin ayaa difaacay xariga xoghayaha ururka SJS Abdalla Muumin Waxa ay ku tilmaantay “baxsad”. Saraakiisha sii deysay ayuu tibaaxay in baaris ay ku socoto kiiskana uusan ahayn mid khuseeya arrin saxaafadeed. Xoghayaha SJS Abdalla Axmed muumin ayaa todobaad ka hor ciidan ka...
DILAL : ‘’Ma hadhooyinka‘’ muuqda ee ka jira magaalada Muqdisho & DFS talaabo qaadi la’
Muqdisho (Raxanreeb ) Dilalka ka dhacaya – magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwo xargaha goystay waxaana maalin kasta dadka Muqdisho ay maqlaan askarta Dowladda oo dil ka gaystay Muqdisho & iyo Al- Shabaab oo dil gaystay. Maqalkan oo aan ahayn mid aan u roonayn shacabka ayaa si joogta ah loogu maqli karaa guri kasta oo magaalada...
MUQDISHO : Dowladda oo wax ka qaban la’a dilalka Bajaajlayaasha Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Askari ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Bajaajle ku toogtay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Lama sheegin sababta keentay dilka Bajaajlahan , hase ahaatee waxa uu qayb ka yahay dilalka ciidanka dowladda ay ka gaysanayaan magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, waxaana toogasho ku dilay ciidamo...
Somaliland oo hadal lama filaan ah ka soo saartay dagaalka Laascanood
Hargaysa (Raxanreeb ) Somaliand ayaa sheegtay in dagaalka ka socda magaaalada Laascanood ay ka qayb qaadanayaan sida ay sheegtay Saraakiil ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho. Ciidankan ayay sheegtay Somalila in saaka fariisimada Ciidamadeeda ee Galbeed Magaalada Laascaanood ay soo weeraray . Dagaalka oo maanta dib uga qarxay galbeedka magaaladaasi ayaa Somaliland waxa ay sheegtay...
FAALLO : Fashilka Dagaalka Al-shabaab! waa khatar weyn !!
Espoo (Raxanreeb ) Qormadan kooban waxaan uga hadlayaa, habaca siyaasad xumo ee laga dheehan karo xukuumadaha Muqdisho iyo Hargaysa. Haddaan ku hormaro tan Xamar, dowladda federaalka waxaa sii dhimanaya himilooyinkii ay shacabka ka qabeen xukuumadda cusub ee MW Xasan Sheekh taasoo si diiran ay u soo dhoweeyeen kolkii uu doorashada ku adkaaday markii labaad. Fashilka...
Weerar hoobiyaal ah oo Somaliland ku qaaday Laascanood
Laascanood (Raxanreeb ) Ciidanka Somaliland ayaa weerar ku qaaday maanta markale maanta goobo duleedyada magaalada Laascanood ay kaga sugnayeen kooxaha Kacdoonka. Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in weerar xoogan ay kusoo qaadeen Galbeedka magaalada gaar ahaan meel ku aadan xerada Gooja-cadde. Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha ciidanka Somaliland ee Sool Jen. Mahad Cambaashe oo...
DABAGAL : Talaaabo laga qaadayo askar shacab ku laayay Muqdiso
Muqdisho(Raxanreeb) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askar ka tirsan Dowladda oo dil u- gaystay dad shacab ah. Dilkan waxa ay askartan ka gaysteen isgoyska Siinaay halkaas oo ah bar kantarool oo ciidanka Dowladda ay ku sugan yihiin isla markaana gadiidka ay ku baaraan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa...
Taliyihii ilaalada Garoonka Diyaaradaha Doolow oo isku dagaal lagu dilay.
Doolow (Raxanreeb ) Iska hor imaad gaystay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta oo isniin ah ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Dagaalkan oo muddo saacado ah ka socday gudaha degmada Doolow ayaa dhaxmaray ciidamo ka wada- tirsan Gargor kuwaas oo isku khilaafay askari la sheegay inuu dilay wiil Bajaajla ahaa. Waxaa ku geeriyooday dagaalkan...
Dagaalka Laascanood : Somaliland & Puntland oo isku jawaabay
Hargaysa (Raxanreeb ) War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ay u taagan yihiin in si nabad ah ay u wada noolaan dadka ku nool deegaanada jaarka la ah Somaliland. Sidoo kale warka ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Puntland oo garabsanaysa dadka kacdoonka weeraro ay ka fulinayaan deegaano ka mid...





