Espoo (Raxanreeb ) Qormadan kooban waxaan uga hadlayaa, habaca siyaasad xumo ee laga dheehan karo xukuumadaha Muqdisho iyo Hargaysa.
Haddaan ku hormaro tan Xamar, dowladda federaalka waxaa sii dhimanaya himilooyinkii ay shacabka ka qabeen xukuumadda cusub ee MW Xasan Sheekh taasoo si diiran ay u soo dhoweeyeen kolkii uu doorashada ku adkaaday markii labaad.
Fashilka Amni iyo dagaalka Alshabaab!
Waxaa gebi ahaanba muuqan ballanqaadyadii madaxweyne Xasan ee ahaa in amniga ay dowladdiisu wax ka qabanayso, taas beddalkeedana waxaa amni xumada dalka ka jirta laga sawiran karaa fashilka amni ee yaalla caasimadda.
Dhibta ka imaanaysa Alshabaab waxaa shacabka Muqdisho ku dhaqan u sii dheer ciyaal-weero kuwaasoo xukuumadda federaalka aynaan wali u helin wax xal ah, waxaana nabadgalyo xumada saacidaya iyadoo hay’adaha ammaanka ay joogaan dad aan khibrad u lahayn amniga, islamarkaana lagu xushay nin jecleysi iyo xisbi.
Tan kale, ma jirto siyaasad cad oo dowladda federaalka ay ka leedahay dagaalka Alshabaab, ajande la’aanta Xasan uu ku wajahay colaadda safka ballaadhan ayaa dhabbaha u xaartay in weerarro gaadma ah ay dowladda uga dhintaan saraakiil mug iyo miisaan ku dhex lahaa talisyada ciidamada qaranka.
Sidoo kale, ma jiro ajande siyaasadeed oo qeexaya waxa laga yeelayo Alshabaab kaddib malleeshiyaadka hubeysan ee degaannada gobollada oo tiradoodu ay sii kordhayso maalinba maalinta xigta, waxayna u muuqataa arrinta in Xasan uu ‘Tiin’ u sii tallaalayo Soomaaliya. Sidoo kale ma jiro guddi isku xira howlgallada dalka oo dhan ka soconaya.
Xilalka dowladda oo la musuqayo!
Sida muuqata xilalka ay magacaabayso xukuumadda Soomaaliya badankood waxaa loo magacaabayaa dad aan khibrad u lahayn shaqooyinka loo dhiibayo, taasoo ka hor-imaanaysa hadalladii mucaaradkii shalay(Madaxda maanta), ay u sheegi jireen bulshada Soomaaliyeed.
In MW Xasan uu aad ugu mashquulay qancinta saaxiibaddiisa siyaasadda oo uu mid kasta boos ka siinayo dowladda, oo ay u dambeysay DR Maxamed Sheekh Axmed oo kursiga HOP086 ku soo baxay shalay arrintaasoo Xasan uu dadaal xooggan ugu jiray muddooyinkii dambe, isagoo kala hadlayay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Xukuumaddii dalka oo ganacsato isu beddashay!
Madaxda maanta xukunka heysa sanad ka hor, waxaa ay bannaanka la taagnaayeen jiritaanka eedo musuq oo DF ay ku kacaysay, balse maanta musuqmaasuqii waxaa uu gaaray in qandaraasyadii ganacsi dad gaar ah loo xirayo iyo in xilalka hay’adaha dowladda lagu magacaabayo nin jecleysi arrintaas oo sumcadda dowladda suurad xumeyneysa!
Wasiirrada xukuumadda FS badi waxaa ay howl-maalmeed ka dhigteen in shirkado gaar ah ay u xiraan qandaraasyo umadda ka dhaxeeya iyagoo dano shakhsi ah ka raadsanaya, arrintaasoo bannaanka u soo saartay khilaafka xooggan ee wasaaradaha qaar ka dhex jira.
Markaanna haddaan u guda-galno arrinka Somaliland, maalinkii 25-aad ayay maanta ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanku dagaallo ku dhexmarayaan gobolka Sool.
Madaxweyne Muuse Biixi waxaa mooddaa inuu xalka Laascaanood kaga mashquulay arrimo kale oo siyaasadeed, sababtoo ah madaxweynuhu waxaa la arkaa inuu xoogga saarayo kala qeybinta dhaqanka beelaha Somaliland qaarkood sida beesha Garxajis.
In madaxweyne Xasan Sheekh uu aamusnaan ku qaabilo arrinka Laascaanood ma ahayn arrin siyaasadeed ama sida laga filayay waxaana madaxweynaha wanaagsanayd in dowladdiisu ay gacan ka geysato joojinta colaadda.
Ka danjire ahaan Maxamed Caalim, waxaa soo jeedinayaa in madaxweyne Muuse Biixi uu dib u eego sooyaalkii shalay la soo maray, oo uu garowsado haddii ay dambiyo dagaal ka dhacaan gobolka Sool ama meel kale oo Somaliland ah, in isagu masuul ka noqonayo maadaama uu yahay qofka dowladda u sarreeya ama xukunka.
WABILLAAHI TOWFIIQ
Waxaa qoray: Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim), oo ah diblumaasi madaxbannaan oo fallanqeeya arrimaha siyaasadda geeska Afrika.
Espoo, Finland
Caalim68@hotmail.com
Leave a Reply