Taliyihii  ilaalada Garoonka Diyaaradaha Doolow oo isku dagaal lagu dilay.

Doolow (Raxanreeb ) Iska hor imaad gaystay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta oo  isniin ah ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dagaalkan oo muddo saacado ah ka socday gudaha degmada Doolow ayaa dhaxmaray ciidamo ka wada- tirsan Gargor kuwaas oo isku khilaafay askari la sheegay inuu dilay wiil Bajaajla ahaa.

Waxaa ku geeriyooday dagaalkan maanta ka dhacay degmada Doolow ee Gedo madaxa ilaalada Garoonka degmadaas  Maxamed Xuseen (Ganeey).

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada degmada  doolow ay degan tahay oo lagu guulaystay in xiisada la dejiyo.

Dadka degmada Doolow ayaa maanta dareemay cabsida la xiriirta dagaalka maanta ka dhacay degmadaas oo dhimasho iyo dhaawac gaystay

Leave a Reply

Your email address will not be published.