DABAGAL : Talaaabo laga qaadayo askar shacab ku laayay Muqdiso

DABAGAL : Talaaabo laga qaadayo askar shacab ku laayay Muqdiso

Muqdisho(Raxanreeb) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askar ka tirsan Dowladda oo dil  u- gaystay dad shacab ah.

Dilkan waxa ay askartan  ka gaysteen isgoyska Siinaay halkaas oo ah bar kantarool oo ciidanka Dowladda ay  ku sugan yihiin isla markaana gadiidka ay ku baaraan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in askarta Dowladda dad shacab ah dhibaateeyaan sidaas darteeda talaabo laga qaadi doono  askari kasta oo dhib  gaysta.

Duqa Muqdisho ayaana cadeeyay in xabsiga lagu guray dhammaan ciidankii ku sugnaa isgooska Siinay oo isugu jiray booliis iyo nabad sugid.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa in aysan marnaba aqbali karin in ciidankii loogu tala galay ilaalinta amniga shacabka in iyagii rasaas micno darro ah furaan ayna dilaan shacabkii ay amnigooda ilaalin lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.