Weerar hoobiyaal ah oo Somaliland ku qaaday Laascanood

Laascanood (Raxanreeb )  Ciidanka Somaliland ayaa weerar ku qaaday maanta markale maanta goobo duleedyada magaalada Laascanood ay kaga sugnayeen  kooxaha Kacdoonka.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in weerar xoogan ay  kusoo qaadeen  Galbeedka magaalada gaar ahaan meel ku aadan xerada Gooja-cadde.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha ciidanka Somaliland ee Sool Jen. Mahad Cambaashe oo maalmo kahor laga qabsaday agagaarkan  hadda doonaya in uu dib u qabsado.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintii 23-aad, kaas oo haatan ka socda duleedyada magaalada Laascanood

Dagaalkan ayaa ku soo beegamaya xilli uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku wargeliyay Beesha Caalamka in uu xabbad-joojin samaynayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.