Somaliland oo hadal lama filaan ah ka soo saartay dagaalka Laascanood

Somaliland oo hadal lama filaan ah ka soo saartay dagaalka Laascanood

Hargaysa (Raxanreeb ) Somaliand ayaa sheegtay in dagaalka ka socda magaaalada Laascanood ay ka qayb qaadanayaan sida ay sheegtay Saraakiil ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho.

Ciidankan ayay sheegtay Somalila in saaka fariisimada Ciidamadeeda ee Galbeed Magaalada Laascaanood ay soo weeraray .

Dagaalka oo maanta dib uga qarxay galbeedka magaaladaasi ayaa Somaliland waxa ay sheegtay in lagu soo qaaday fariisimaha ciidamadeeda, sida ay hadalka u dhigtay.

Somaliland waxay u cadaysay Beesha Caalamka in kooxahan ay ku tilmaameen Argagixisada ay khatar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida dalalka Geeska Afrika.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul ay ku dhufatay ciidanka huwanta oo ay tilmaamtay inay weerar kusoo qaadeen fariisama ciidamadooda ee ku yaalla galbeedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.