Golaha shacabka oo dood ka yeelanaya sharciga agagaxisada

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo arbaca ah waxa xarunta  Golaha shacabka ka dhacaya kulanka xildhibaanada Golaha shacabka  Barlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta  iuu jiro kulanka Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in Golaha shacabka ay ka doodi doonaan qodobo ay ka mid yihiin  :

1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga

2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha

3. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.