Dagaalka Laascanood : Somaliland & Puntland oo isku jawaabay

Hargaysa (Raxanreeb ) War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in ay u taagan yihiin in si nabad ah ay u wada noolaan dadka ku nool deegaanada jaarka la ah Somaliland.

Sidoo kale warka ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in Puntland oo garabsanaysa dadka kacdoonka weeraro ay ka fulinayaan deegaano ka mid ah Somaliland sida warka lagu sheegay .

Waxaa lagu sheegay warka  Somaliland ka soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in masuuliyad ay ka saran tahay ilaalinta deegaanada ay maamaamusho Somaliland.

Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay eedeymo ay saaka u jeedisay Somaliland kadib dagaal culus oo ka dhacay duleedka Laascaanood.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dagaalkaani uu ka dhashay dilal qorsheysan oo loo geystay haldoorka gobolka Sool kadibna isku bedelay kacdoon shacab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.