Haweenay ku geeriyootay, halka laba kale oo mid yahay Ilmo yar oo afar bilood jirana waxyeelo ayaa ka soo gaartay, ka dib markii gelinkii dambe ee shalay uu gurigii ay deganaayeen uu ku dhacay danab ka dhashay roobab ka da’ay Gobolka Saaxil ee Somaliland.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Somaliland oo sameysay xil ka qaadis iyo magacaabis
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo maanta wareegto soo saaray ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis isla socoda.
Booliska oo soo bandhigay rag kufsi wadareed ka geystay Muqdisho
Booliska Soomaaliya, ayaa soo bandhigay 5 rag ah, oo ku eedeysan inay kufsi wadareed ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo wajahaya eedeymo culus oo ka dhan ah, booliska.
Mareykanka oo sheegay in Isra’il ay u badan tahay in ay jabisay shuruucda caalamiga
Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihi shaaca ka qaadday, in hubka ay ugu deeqday Isra’il ee ay u adeegsatay dagaalka ay ka waddo Gaza, ay u badan tahay in uu ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.
Putin oo ka digay dagaal caalami ah xilli uu heegan geliyey ciidamada Nukliyeerka
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Khamiista ka digay in ciidamadiisa Nukliyeerka ay "mar walba" heegan ku jiraan, isla markaana Ruushka aanu u dulqaadan doonin halis kasta oo kaga timaada Reer Galbeedka.
DF oo ka dalbatay QM in la xiro xafiiska UNSOM
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa maanta du gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ay ku dalbatay joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).
Heshiis laga gaaray shaqo joojinta Dhaqaatiirta Kenya
Guud ahaan dhakhaatiirta dalka ayaa maanta oo Arbaca ah soo afjaray shaqo joojin ay ka sameeyeen guud ahaan dalka ka dib markii ay heshiis ay dib ugu laabanayaan shaqada ay la saxiixdeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamul Goboleedyada.
In kabadan 200 oo qof oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay kooxaha Magafeyaasha
Muqdisho (Hornlife) — In kabadab 200 oo muhaajiriin oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa laga soo badbaadiyay kooxaha magafeyaasha, ee dalka Liibiya kuwaas oo qaarkood ku jiray xabsiyada sannado badan.
Tahriibyeyaashan ayaa u badnaa dhallinyaro kuwaas oo ku doodaya in sababta ay u marayaan halistaas wayn ay tahay in ay raadinayaan nolol tan uga wanaagsan dalalkooda ayaa lagu xirtay Dalka Liibiya si ehelkooda madax-furasho badan looga qaato.
Madax katirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegay in xabsiyada Dalkaas laga sii daayay dad badan oo oo Soomaali & Itoobiya isugu jiray kuwaas oo haatan la qorshaynayo tallaabadii loo qaadi lahaa dib ugu celinta Dalkooda.
Kooxaha Magafeyaasha ayaa xabsiyo badan oo ku yaalla Liibiya ugu xiran tahriibayaal Soomaali ay qayb ka tahay kuwaas oo qaarkood ay ehelkooda awoodi waayeen bixinta lacagaha madax-furashada ah ee Kooxahaas ay ka rabaan si ay usii daayaan.
Howlgal caalami ah oo looga hortagayo tahriibayaasha naftooda halista wayn gelinaya ayaa ka socda Dalka Liibiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika si loo xadido ama guud ahaan looga hortago tahriibinta Dadkaas lacagaha sida qasabka ah looga qaato.
Liibiya, ayaa inta badan marin rasmi u ah, muhaajiriinta u kala gooshaya dalalka qaaradda Yurub tan iyo sannadihii 2000, oo inkabadan 24 sanno toos ah, ay weli jiraan walow hadda qofkiiba ka qaadan lacag dhan $20,000
Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo ka badbaaday shirqool dil
Sirdoonka Ukraine ayaa sheegay in ay ka hortageen shirqool Ruushka u dhigeen si ay u dilaan madaxweyne Zelensky saraakiil kale.
Shir looga hadlayo hubka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho
Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah kaas oo ku saabsan maareynta hubka rasaasta iyo walxaha qarxo, oo socon doono muddo labo cisho ah.







