Awooddii ergeyga arrimaha gargaarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur miyaa la dhimay?

SAWIRKA: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Raxanreeb (MUQDISHO ) Kaddib kulankii deg dega ahaa ee  Golaha Wasiirada isla markaana lagu  soo hadal qaaday dib u howlgalinta Hay’adda maareynta masiibooyinka waxa soo baxaya guux badan oo ku saabsan kaalinta Ergayga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka jawaabista abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa qaban doonta shaqo la mid ah tan  Ergayga , taas oo keentay in muran uu ka dhasho kaalinta iyo awoodaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka oo hadal kooban ka  jeediyay  shirka Golaha Wasiirada ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si deg deg ah wax  loogu qabto abaaraha ka jira dalka ka hor inta aysan isku bedelin macluul.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa isagana sheegay in laga maarmaan ay tahay howlgalinta Hay’adda Maareynta masiibooyinka si wax loogu qabto dhibaatada abaaraha ee ka  jira dalka.

 Wasaaradii Gargaarka ayaa meesha laga saaray , sabab la xiriirta in  kaalintaas uu qaatay  Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Madaxwaynaha DFS u magacabay ergayga arrimaha abaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.