Rabshado ka dhacay  qubuuro & Wasiir ka tirsan Somaliland oo ku lug lahaa

Rabshado ka dhacay  qubuuro & Wasiir ka tirsan Somaliland oo ku lug lahaa

Raxanreeb (Hargeysa) Rabshado ayaa lagu soo waramayaa in  maanta ay ka dhaceen  magaaalada  Hargaysa gaar ahaan qubuuro halkaas ku yaalla.

rabshadahan ayaa ka dhacay qubuuraha Halleeya halkaas oo  lagu aasayey saddex qof oo  ku dhintay dibad-baxii 11-kii buishaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in   rabashadahan ayaa ka danbeeyeen ka dib markii dad caraysan oo  ka mid ahaa ehelada dadka dhintay dhagaxaan ay ku weerareen  Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Saciid Sulub oo tagay goobta aaska ee marxuumiinta.

Dadka rabashadaha sameeyay ayaa ahaa dad ka caraysan waxyeelada loo gaystay xubno ka mid ah eheladooda oo  la toogtay intii ay socdeen dibadbaxyadii lagu diidanaa xukun isku dhejinta  Muuse Biixi Cabdi.

Lama soo sheegin wax khasaaraha oo ka dhashay rabashadahan maanta ka dhacay qubaaraha magaalada Hargasa.

Mana jirto war oo Xukuumadda Somaliland ay ka soo saartay  rabashadahan , xaalada ayaa hada degan , waxaana arintan ku baxay qaar ka  mid ah Odayaasha dhaqanka  magaalada Hargaysa , kuwaas oo markii dambe ku guulaystay  in xaalada ay dejiyaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.