Axmed Gareed ”Al- Shabaab waxa ay dileen 11-qof oo ay ku jiraan Kenyatti”

Garbahaaray (Raxanreeb ) Maamulka gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyay dhacdo lagu dilay dad isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib oo ka dhacay deegaanka Garileey ee gobolka Gedo.

Dadka la dilay ayaa tira ahaan waxa ay gaarayeen ilaa 11-qof oo isugu jira Soomaaliya iyo dad u dhashay dalka Kenya kuwaas oo ceelbiyood ka qodayay deegaanka Gariley ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahayeeb kuwa howl samafal oo bulshada ah ka waday deegaanka Garilay ee hoostagta degmada Ceelwaaq.

” Dadka Al- Shabaab sida arxan darrada ah u dilay waxa ay isugu jiraan 11 qof oo ay ku jiraan Keyatti kuwaas o arxan darra ah ay u dileen kooxda argagaxisada ” ayuu u sheegay VOA Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed .

Guddoomiyahaha ayaa shaaciyey in afar ka mid ah dadkaasi ay u dhasheen dalka Kenya, isla-markaana ay ahaayeen farsamayaqaano la soo kireystay oo ceel biyood ka qodayey deegaanka Gariley

Leave a Reply

Your email address will not be published.