Moqokari : Kooxda Al- Shabaab oo dib ula wareegay & Faahfaahinta

Moqokari : Kooxda Al- Shabaab oo dib ula wareegay & Faahfaahinta

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegay in kooxda Al- Shabaab dib ay ula wareegeen deegaanak – Moqokari ee gobolka Hiiraan.

Degaankan ayaa ka mid ahaa meelihii ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka ay ka sareen dagaalyanada Al- Shabaab oo culays xooggan uu ka heyso meelo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan degmada Moqokari ayaa u sheegay RBC in maanta oo Sabti ah deegaankaas lagu arkayo xubno ka mid ah kooxda Al- Shabaab oo hore loogu itaal roonaaday deegaankaas.

Maalma kahor ayey ahayd markii deegaanada ay hadda dib ula wareegeen Al-shabaab uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xubno ka mid ah kooxda ay la hadleen dadka deegaanka, inkastoo aysan shaacin waxyaabaha rasmi ah ee ay kala hadleen dadka deegaanka.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isaga tagay deegaankaasi waxyar uun ka dib markii Kooxda Al- Shabaab halkaas ay ka saareen.

Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya ma aysan ka hadlin la wareegitaanka kooxda Al- Shabaab ee deegaankaas , iyo waxa uu yahay qorshahooda.

Hanad Ali Guled
Mogadishu

Leave a Reply

Your email address will not be published.