Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo socdaal ku maraya deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa uga digey maamulka Somaliland inuu xoog ku muquuniyo bulshada ka arragti duwan ee kunool magaalada Ceerigaabo.
Karaash waxa uu sheegay in Ceerigaabo ay kunool yihiin bulshooyin kala duwan maamulkeeduna u baahan yahay in loola macaamiltamo si lamid ah magaalada Galkacyo oo ay ka wada arrimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland waxa uu hadalkiisa u dhigay in Ceerigaabo ay ubaahan tahay inay wada maamulaan Somaliland iyo SSC KHAATUMO ayna labada dhinac nabad ku wada noolaadaan.
Leave a Reply