Lacagta biyo xireen oo la musuqay & saamaynta fatahaadaha Beledwayne

Lacagta biyo xireen oo la musuqay & saamaynta fatahaadaha Beledwayne

Beledwayne (Raxanreeb ) Magaalada  Beledwayne ee gobolka Hiiraan waxaa ka jira barakac xooggan oo ay samaynayaan dadka ku nool , xaafadaha magaalada  Beledwayne.

Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helayno magaalada Beledwayne ayaa sheegaya in qoysas badan uu saameyn ku yeeshay fataahadaha ka jira magaalada  kaas oo xaafado hor leh gaaray.

Qoysaska  ugu badan ee dhibaatada saamaysay waxaa ka mid ah kuwa  beeralayda kuwaas oo sheegay  in tacab badan uu ka khasaaray isal markaana beeraha  biyo badan ay  fadhiisteen.

Dhibaatada ka sakow waxaa soo baxaya warar sheegaya in la musuqay lacag  badan oo loogu tala galayo biyo xireeno si loogu hortago dhibaatada ka dhalan karta fataahadaha wabiga uu gaysanayo.

Siyaasiin badan oo ku sugan – magaalada Beledwayne ayaa sheegay in ay muuqayanayso in aan loo diyaaroobin in wax laga qabto fataahadaha ka jira Hiiraan oo aan xil gaar ah la iska saarin

Waxa ay rumaysan yihiin qaarkood in lacag badan oo loogu talagalay biyo xireenada la musuq maasuqay oo aan waxba laga qaban qorshaha ka hortaga fatahaad uu sameeyo wabiga.

Magaalada Baladweyne ayaa sanad walba xiligan oo kale wajahda fatahaad ka dhalatay webiga Shabelle ee dhexmara magaalada kaasoo sababay iney magaalada ka baxaan kumanaan qoys oo gabaad ka raadsada dhulka taaga ah ee magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.