Jubbaland (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan la qaatay Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles, Sebastian Groth.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda, iyo taageerada dowladda Jarmalka ay siiso Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay taageerada Jarmalka ee dhinacyada horumarinta, xasilloonida iyo adeegyada bulshada, iyadoo la adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah.

Leave a Reply