Garoowe (Raxanreeb Online): Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland ayaa la sheegay inay muddo toddobo bilood ah wax mushahar ah qaadan, iyadoo xaaladdan lagu tilmaamay muddadii ugu dheereyd ee shaqaalaha Puntland ay xuquuqdooda mushahar la’aan ahaadaan tan iyo 2009-kii.
Sida xogta lagu sheegay, sanadkan 2026 shaqaalaha rayidka ah ee Puntland waxay heleen oo keliya laba mushahar, kuwaas oo ahaa labadii ciid, halka bilihii kale ay weli ka maqan yihiin xuquuqdooda.
Mushaharka shaqaalaha rayidka ah ee la sheegay inuu ku maqan yahay ayaa lagu qiyaasay $500,000 bishii, taasoo ka dhigan in toddobada bilood ee mushahar la’aanta ay isu geyntoodu gaari karto ku dhowaad $3.5 milyan.
Xogtu waxay sidoo kale sheegaysaa in dakhliga Dowladda Puntland uu bishii soo galo uu gaarayo ku dhowaad $10 milyan, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan sababta mushaharka shaqaalaha loo bixin la’yahay.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaliilayaa inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland ee ay xukuumaddiisu ku guuldarreysato bixinta mushaharka shaqaalaha rayidka ah muddo intan le’eg. Inkastoo madaxweynayaashii hore ay mararka qaar dib u dhigi jireen mushaharka, haddana sida xogtu tilmaamayso ma jirin muddo toddobo bilood ah oo xiriir ah oo xaaladdan oo kale ah.
Shaqaalaha ayaa la sheegay in xuquuqdooda mushahar la’aantu ay soo bilaabatay Sebtembar 2023, iyadoo sanadihii xigay ay weli jireen lacago iyo xuquuqo shaqaale oo aan si buuxda loo bixin.
Dhanka kale, Hanti-dhowrka Puntland ayaa dhawaan sheegay in shaqaalaha dowladda ay ka maqan yihiin ku dhowaad $12 milyan, iyadoo su’aalo laga keenay halka ay lacagtaasi ku baxday, maadaama lacagta mushaharka ay ku jirto miisaaniyadda dowladda, halka dakhliga xukuumadduna uu weli socdo.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo xooggan oo ku saabsan maamulka dakhliga iyo miisaaniyadda Puntland, gaar ahaan sida loo maareeyo lacagaha loogu talagalay xuquuqda shaqaalaha rayidka ah.

Leave a Reply