Banaanbax ka dhan ah Mahad Salaad & NISA & oo la filayo inuu ka dhaco Muqdisho.

Banaanbax ka dhan ah Mahad Salaad & NISA & oo la filayo inuu ka dhaco Muqdisho.

Muqdisho ( Raxabreeb ) Banaanbax ka dhan ah Hay’ adda NISA iyo Taliyaha Hay’adaas Mahad Salaan ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan waxaa horkacaya ehelada Taliyihii hoggaanka Hay’ adda NISA Cabdullaahi dheere oo ciidamo ka tirsan dowladda weerar ku qaaday hoygiisa halkaas oo ay ka kaxaysteen eheladiisa.

Qalan qaabada Banaanbaxa ayaa ka jira meelo ka mid ah magaalada Muqdisho sida ay inoo sheegeen dadka ehelada la ah Taliyaha.

Waxaa lagu wadaa in ay cabaareeyaan , banaanbaxyada falka Taliyaha lagu weeraray isla markaana lagu kaxaystay eheladooda guriga ku sugnaa.

Odayaal ka hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay ayaa sheegay in – talaabo ay ka qaadi doonaan isla markaana aan la aqbali doonin in awooda dowladnimada dadka lagu dulmiye.

Hay’ dda NISA wax war ah ma aysan ka soo saarin weerarka guriga Taliyaha lagu qaaday , sidoo kale lama oga halka la geeyay dadka laga xiray Guriga Taliye Cabdullaahi dheere.

Leave a Reply

Your email address will not be published.