Bannaanbax lagu taageerayo damaca Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah oo Muqdisho ka socda

Muqdisho (Raxanreeb online) – Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan fagaaraha Daljirka Dahsoon ka socda saakay bannaanbax la sheegay in lagu taageerayo in gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay dad weynaha Soomaaliyeed kusoo dooranayaan cidda mataleysa.

Sidoo kale, Bannaanbaxan waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gnolka Baaadir oo ammar ku siiyay maamulada degmooyinka ka jira in dad badan soo aruuriyaan isuguna keenaan fagaaraha Dajirka Dahsoon, si dadkaasi looga dhigo kuwa raba doorasho qof iyo cod ah.

Dhanka kale, masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, ayaa la filayaa in dadweynaha la isku keenay in halkaasi kula hadlaan, una sheegaan dadka in dalka u baahan yahay in lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Ammaanka aagga dibadbaxa ka dhacayo ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana gabi ahaan la xiray loona diiday gaadiidka iyo dadka kale ee caadiga ah in ay soo maraan waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala taallada Dajirka Dahsoon.

Sikastaba, madaxweynaha Soomaaliya oo muddo xileedkiisa ka dhiman  yahay muddo sannad iyo bar kaliya, ayaa damacsan qabashada doorasho qof iyo cod ah oo hadda u muuqaan qabashadeda, waxa ayna dadka kasoo horjeeda qorshahan sheegayaan in dalka u diyaarsaneyn in doorasho qof iyo cod ah xlligan ka dhacdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.