Bannaanbaxyo ay dalka Bangaladesh ka dhigayaan taageereyaasha Mucaaradka

Dhaka (Raxanreeb) — Tobanaan kun oo ka tirsan taageeryasha mucaaradka dalka Bangaladesh yaa isugu soo baxay caasimadda dalkaasi e Dhaka iyagoo dhigaya bannaabax ay ku dlaanayaan in dowladdu iscasisho.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey , dad bandanna waxay ka maqanyihiin waddooyinka iyagoo rabshadaha ka baqaya .

Xisbiga Bangladesh Nationalist Party ee BNP ayaa dowladda ra’iisul wasaare Sheekh Xasiina ku eedeeyey in ay burbur u horseeday dhaqaalaha .

Toddobada xildhibaan oo katirsan baarlamaanka ayaa sheegay in ay iska casilayaan baarlamaanka .

Xisbiga BNP ayaa doonaya dowlad dhexdhexaad ah oo ku meel gaar ah in ay talada qabato ka hor doorashada soo socota oo lagu wado in la qabto sanadka 2024.

Dowladda ayaa ariintaa sia dag u diiday waxayna ku eedeysay mucaaradka in ay wadaan in ay abuuraan degenaansh la’aan

Leave a Reply

Your email address will not be published.