Xiisad ka – taagan isbitaalka Warsheekh oo sababtay in shaqada isbitaalka ay istaagto.

Warsheekh ( Raxanreeb ) Xiisad ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Axad ah ay ka taagan tahay isbitaalka Degmada Warsheekh halkaas oo ay gudaha u galeen ciidamo hubeysan.

warqad kasoo baxday maamulka degmada Warsheekh ayaa lagu sheegay in lagu joojiyay howliihii adeega caafimaadka ee isbitaalka uu u hayay bulshada degmada.

khilaaf mudo soo taagnaa oo u dhaxeeya maamulka Degmada iyo Dalladda Warmocad oo gacan ku heysa maamulka isbitaalka ayaa sababay in Isbitaalkii guud ee degmadaasi la xiro dhowr jeer.

maanta ayaa laga soo wariyay Warsheekh in Maamulka Degmada uu adeegsanayo awood ciidan si loo xiro Isbitaalka.

Siyaasiyiin ayaa taageeraya khilaafka sii xoogeystay ee ka taagan Warsheekh waxaana la sheegayaa in laisku hayo macaashka dhaqaalaha soo gala Isbitaalka oo dad gaar ah ayaa doonaya in ay afka u dhigtaan adeegii bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.