Barlamaanka oo meel mariyay cutubyada lagu muransan yahay ee Dastuurka.

Barlamaanka oo meel mariyay cutubyada lagu muransan yahay ee Dastuurka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaanada  Barlamaanka labadiisa aqal ayaa maanta oo sabti ah meelmariyay afar cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah ee dalka kaas oo muran badan uu ka taagan yahay.

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa sheegaya in kulanka soo xaadireen 254-mudane oo isugu jira golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

42 Senator oo soo xaadirtay kulan ayaa haa ku codeeyay, sida uu sheegay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhowaaqay inuu asax ka yahay Aqalka Sare.

212 xildhibaan oo soo xaadiray Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad lhe ku ansixiyay, ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.