Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Khamiis ah markale waxaa Villa Hargaysa kulan ku yeelanaya , xubnaha Barlamaanka Soomaaliya si dood kale ay ugu yeesheen wax ka beddelka Dastuurka.
Kulankan waxa uu ahaa inuu qabsoomo shalay oo Arbaca ahayd hase ahaatee waxaa ku yimid dib u dhac ka dib markii ay soo baxeen cadaasi ku saabsan sida ay wax ku socdaan.
Ilaa afar cutub oo ka mid ah Dastuurka ayaa xildhibaanada – Barlamaanka lagu wadaa in ay u qaadaan codka kalsoonida hase ahaatee waxaa muuqanaysa in ay farqaha loogu dhigan yahay.
In ka badan 70 xildhibaan oo dhawaan ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay diidan yihiin wax ka bedelka datuurka isla markaana ay kala hortagi doonaan diidmo.
Madaxdii hore dhankooda waxa ay sheegeen in wax socda aysan ahayn dastuur bedelid ee ay tahay Dastuur qoris taas oo kala fogayn karta bulshada Soomaaliyeed.
Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa ku adkaysanaya dhamaystirka Dastuurka ee waqtigan isaga oo sheegay in aan dhag jalaq loo sii doonin xubnaha diidan qorshihiisa.
Leave a Reply