‘’Barlamaanka waxa aysan akhrin ayay meelmariyeen madaxwaynahana saxiixay’’

‘’Barlamaanka waxa aysan akhrin ayay meelmariyeen madaxwaynahana saxiixay’’

Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu saxiixay nuqulo ka mid ah Dastuurka KMG ah ee wax ka bedelkiisa uu muran badan ka jiro.

Talaabadan uu qaaday Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cara badan waxa ay ku keentay siyaasiin badan kuwaas oo sheegay in dalka loo jiheeyay wado qardi jeex ah.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aad u dhaliila Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha Madaxwaynaha uu yahay mid isaga keligii ku kooban dhibaatada ka dhalatana isaga qaadi doono si kastaba.

War  uu ku daabaacay dagalkiisa Facebook ayuu ku yiri sida tan :

‘’Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub. Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag.

Qaar ka mid ah Xildhibaannadii shalay codeeyey ayaan waydiiyey waxa ay u codeeyeen? Waxay iigu jawaabeen ma naqaan waxaan u codeynay? Madaxweynayaasha dalwad goboleedyada ayaan waydiiyey, maadaama inta badan qodobbadii ay Madasha uga soo heshiiseen la beddelay, in lala wadaagay iyo in kale nuqulkii kama danbaysta ahaa? Waxay iigu jawaabeen, maya ma aanan arag.

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu caawa sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

Waa markii saddexaad ee uu Baarlamaanka dukumiinti uusan arag ansixiyo.

Bal aan aragno halka uu ku danbeeyo dastuur anaa dubtay, aniga ayaana daangaystayka ah.?.

Leave a Reply

Your email address will not be published.