Baydhabo (Raxanreeb ) Ciidanka amniga ayaa gudaha u galay guriga musharrax lagu magacaabo fatgeeti kaas oo saaka aroortii hore ay warer ku qadeen ciidamada maamulka konfurgalbeed.
Musharaxaan ayaa mudooyinkii danbe ciidamo beleed ku aruur sanayay magalada baydhabo taas oo keentay in amniga uu qal qal galo.
Xabadda ayaa inta badan waxay ka socotaa guriga musharaxaan in kasto aan la ogeyn in uu guriga ku sugan yahay lkn goob joogiyaal ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid adag oo ciidamadii guriga musharaxa ku sugnaa inta badan la harereyay.
“Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federalka, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta KG. Wilina dagaalka wuu socdaa.” sidaas waxaa sheegay Musharrax Farkeeti.
“Ciidanka Amniga oo roondo ku jira ayaa kooxo burcad ah jidkooyo u dhitay oo rabay in amniga Qalqal giliyaan , waxkasto oo amniga qalqal galinayo gacan biir baan iskaga qabanena ” sidaas waxaa bartiisa Facebook ku qoray Afhayeenka Madaxtooyada KGS Mohamed Ali Ibraahim.
Waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa inta badan lagu soo dayay ciidamada amaniga kuwaasi oo xaqiijinaya amniga magaalada Baydhabo.
Leave a Reply