DABAGAL : Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb )  Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxa caawa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in. lala eegtay ciidanka ku sugan  Siinka dheer  halkaas oo ah meesha laga soo galo magaalada Mudisho isla markaana laga ilaaliyo.

Waxaa la sheegayaa in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay , isla markaana uu haleelay gaari nooca raaxada.

Wadihii gaariga ayaa ku geeriyooday halka   askar kale oo goobta ku sugnaa dhaawacyo ay ka soo gaareen.

Dad ku sugan goobta ayaa sheegay in qaraxa kadib  lagu weeraray qoriga nuuciisa yahay Sabanka oo garabka laga tuuro deegaanka ku sugnaa Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidanka waxay sameeyen iska caabin sidaasna waxaa dib ugu laabtay kooxdii Al- Shabaab oo la sheegay in weerar ay ku ahaayeen ciidanka ku sugan 
siinka dheer .

Leave a Reply

Your email address will not be published.