Baydhabo: Ciidanka XDS oo Fashiliyay Weerar

Baydhabo: Ciidanka XDS oo Fashiliyay Weerar

Baydhabo (Raxanreeb Online): Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo maleeshiyaad isugu jira Al-Shabaab iyo taageerayaal Cabdicasiis Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada Baydhabo.

Maleeshiyaadka ayaa weerarka ku qaaday gaadiid ay ka buuxaan walxaha qarxa, hase yeeshee sida ay Wasaaraddu sheegtay, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fashiliyay weerarka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in lagu dilay ku dhowaad 30 maleeshiyaad ah, halka qaar kalena nolol lagu qabtay.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli wada hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.